Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Wadani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Oo ay wehelinayaan xubno ka tirsan xisbigaasi ayaa saaka cusbitaalka ku booqday Fanaanada Caanka ah ee Maryan Mursal Ciise oo maalmihii u danbeeyay xanuun u jiiftay.

War Qoraal ah oo lagu baahiyay bogga uu Xisbiga Waddani ku leeyahay degelka Facebook-ga ayaa lagu yidhi “Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Mudane, C/raxmaan Maxamed C/laahi (Cirro) ayaa saaka booqday Fannaanada weyn ee Maryan Mursal Ciise Bootan Oo maalmihi u dambeeyey xaalad caafimaad ugu jirtay Hospitalka Royal ee magaaladda hargeysa. Maryan Mursal ayaa tidhi: Guddoomiye’ Cirro waxaad tahay qofki ugu horreeyey ee Madaxda dalka ah xitta iga soo xukumaddi dalka haysay iga soo horreeyey Abaalkas waan ku haya i soo dhawow Madaxa aan kaa dhunkade Allena ha ku guuleeyo aragaaga waan ku farxay saaka. dhanka kale Maryan ayaa umadda somalida u sheegtay iney caafimaadkeedu ka soo raynayo fiican tahayna hadda. Guddoomiye Xisbiga ayaa isna Alle ugu baryey caafimaad taam ah.”

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga