Wararka ka imanaya dalka Tansaaniya, ayaa sheegay in guddida doorashada dalkaasi ay bilaabeen baadhista eedaymo uu usoo jeediyay ninka ah murashaxa ugu wayn doorashada madaxtinimada dalkaasi Tundu Lissu.

Tundu, ayaa ku eedeeyay ninkan guddida u qaabilsan degmooyinka amaba agaasimaha degmooyinka ee guddida doorashada dalkaasi, inuu la kulmay madaxwaynaha isla markaana ay ka wada hadleen sidii  loo musuqmaasuqi lahaa doorashada.

Guddida doorashada dalkaasi waaxda u qaabilsan arrimaha anshax marinta ayaa u yeedhay hoggaamiyaha mucaaradka waxaanay u sheegeen inay baadhis ku samaynayaan arrinta maadaama ay sababi karto khalkhal amni iyo in doorashadu noqoto mid aan xor iyo xalaal ahayn,

Wararkii ugu dambeeyay kala soco Saab TV.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga