Guddida u qaabilsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya diyaarinta doorashooyinka ayaa maalintii shalay ahayd u amba baxay magaalada Garoowe ee caasimadda maamul-gobolkeedka Puntland.

Wararka ayaa sheegay in ujeeddada ay weftigan ugu amba baxeen Puntland tahay sidii ay ugala hadli lahaayeen maamulka Puntland arrimaha sharciga doorashada iyo waafejinta dastuurka iyo  qaabka ay u dhici doonto doorashada sannadka 2020.

Waa booqashadii labaad ee ay ku gaalaa bixiyaan maamul goboleedyada Soomaaliya, iyagoo mar hore soo maray maamul-gobolkeedka Soomaaliyeed ee koonfur galbeed.

 

Saab TV, waa meesha kuugu dhow ee aad ka heli karto wararkii ugu dambeeyay.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga