Madaxwaynaha dalka Guatemala Alejandro Giammattei, ayaa amar ku bixiyay joojinta dhammaan duulimaadyadii siday dadka laga soo tarxiilayo dalka Maraykanka ee la keenayo dalkiisa Guatemala, kadib markii la arkay in dad badan oo laga soo mustaafuriyay Maraykanku todobaadkii ugu dambeeyay ay qabaan cudurka Coronavirus.

Madaxwaynaha Guatemala ayaa mar uu la hadlayay warbaahinta waxa uu sheegay in 12 qof oo lagu soo xulay si aan kala sooc lahayn, kuwaas oo laga soo mustaafuriyay Isniintii dalka Maraykanka ay haayadda ka hortagga iyo xakamaynta cudurrada ee dalka Marayknku ay xaqiijisay inay qabeen cudurka Coronavirus kadib markii ay soo caga dhigteen Guatemala.

Madaxwayne Alejandro, ayaa sheegay in sidoo kale duulimaadyo kale oo la baadhay rakaabkii la socday laga helay xanuunka.

Duulimaadyada ayaa sawaxan ka dhex dhaliyay saaxadda siyaadda dalkaasi, kadib markii wasiirka caafimaadku uu sheegay todobaadkii hore in 75% rakaabka lasoo mustaafuriyay bishii March laga helay Fayraska.

Maamulka madaxwayne Trump ayaa la sheegay inuu masuuliyiinta dalkaasi ku khasbayo inay qaabilaan dadkooda laga soo tarxiilayo dalka Maraykanka, iyadoo dadka u dhaqdhaaqa xuquuqda aadanuhuna ay sheegeen in Maraykanku uu Corona-ha u dhoofinayo dalal kale.

 

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga