Gantaalka Shiinaha ee dhulka kusoo wajahan ayaa weli cabsi xoogan laga qabaa, iyadoo lasii saadaaliyay meelaha uu ku dhici karo gantaalkani oo hawada kusoo jira.

Maalinta Axadda ayay khubaradu saadaalisay in dhulka uu kusoo dhici doono gantaalka Long March-5b oo sahamin iyo arimo kale uu Shiinuhu hore ugu diray hawada, isagoo ahaa kii ugu horeeyay ee noociisa ah ee Shiinuhu uu u diro xarumaha ahwada sare..

Gantaalkan oo culayskiisu uu dhanyahay 18 tone ayaa noqonaya kii koobaad ee culayskan leh ee muddo tobanaan sanno ah usoo dhaca dhulka.

Saacadaha hore ee maalinta Axadda ayuu gantaalka Shiinuhu kusoo dhici doonaa meelo u dhaw magaalooyinka, New York dalka Maraykanka, Rio de Jeneiro dalka Brazil, Lagos dalka Nigeria, Beijing dalka Shiinaha, iyo ugu danbayn Sydney dalka Australia

Dhammaan waaxaha gantaalka ayaa guban doona marka ay dhulka taabtaan, iyadoo khubarada Maraykanku ay sheegayaan in ay u badantahay in aanu ku dhicin meel ay dad degenyihiin.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga