Mudanayaasha Aqalka Sare Somalia Ayaa Siweyn Isugu Khilaafay Doodda Arinta Dalka Lagaga Mabnuucayo Shirkada Dp World

Kulanka Xidlhibaannada Aqalka Sare Oo Siweyn Warbaahintu Isha Ugu Haysay Ayaa Ku Soo Dhamaaday Natiijo La’aan,

Xildhibaannada Qaar Kamida Ayaa Soo Jeediyay In Loo Yeedho Ra’Iisal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Iyo Wasiirka Arrimaha Dibeda Si Arintan Wax Looga Weydiiyo

Shir Gudoonka Aqalka Sare Somalia Ayaa Sheegay In Ay Sii Wadi Doonaan Doodda Ku Saabsan Arinta Dekada Berbera Todobaadyada Soo Socda.

Sidoo Kale Xildhibaanada Qaar Ayaa Sheegay In Ay Dawlada Somalia Iska Indha Tirtay Etoopiya Oo Qayb Kuleh Dekada Berbera Waaxana Ay Xildhibaanadu Dawlada Somalia Ka Codsadeen In Ay Shacabka Usoo Bandhigto Mawqifkeeda Ku aadan Saamiga Etoopiya Ay Ku Leedahay Dekada Berbera.

 

(Waxaa Ka Waramaya Wariyaha Saab Tv Muqdisho Maxamed Yaxye Jiinow)

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga