Golaha Ammaanka ayaa kulan ka yeeshay xaaladda dalka Soomaaliya kadib doorashadii dhawaan ka dhacday dalkaas.
Danjiraha Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa warbixin siiyay Golaha isagoo baaq u diray Beesha Caalamka, una sheegay in ay taageeraan Soomaaliya.
Golaha Ammaanku wuxuu bogaadiyay doorashada Soomaaliya iyagoo balanq aaday taageerada Soomaaliya iyo xukuumadda cusub.
Xaaladaha bini aadamtinimada, dagaalka alShabaab iyo dhaqaalaha gudaha ayaa ah arimaha imika ay Soomaaliya uga baahan tahay taageerada.