Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay wuxuu ka hadlay kordhinta mudada hawl galka la dagaalanka budhcad badeeda biyaha Soomaaliya.
Golahu wuxuu ku dhawaaqay markii ugu horaysay muddo ka badan 13 sanno in aan lasii dheerayn doonin wakhtiga ay ku astaysantahay hdammaadka hawl galku.
Midawga Yurub ayaa war ay soo saareen ku qeexay in Golaha Ammaanku uu diiday in uu kordhiyo mudada hawl galka ay taageeraan ee ay ka wadaan sanadada badan biyaha Soomaaliya iyo kuwa caalamiga ah ee u dhow.
Warkan ayaa imanaya xili ay Soomaaliya dalbatay in lasoo af jaro hawl galka la dagaalanka budhcad badeeda ee biyaheeda kaas oo dawlado badani ay qayb ka yihiin.
Mudadii uu hawl galakani shaqaynayay waxa la qabtay 171 Soomaali ah oo looga shakiyay budhcad badeediyadoo la badbaadiyay 2.32 million oo ton oo ah gargaar ah.