Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa si rasmi ah u ansixiyay hawl galka cusub ee ATMIS ee Soomaaliya.

ATMIS oo lagu bedelayo AMISOM ayaa shaqada bilaabaya maanta iyadoo hawl galka AMISOM ay shaqadu kaga ekayd malaintii shalay ahayd.

Hawl-galka cusub ee ATMIS ayaa ah mid ku meel agadh ah iyadoo askariga ugu danbeeya ee ka socda Midawga Afrika uu Soomaaliya ka baxayo sanadka 2024.

Waxa imika la diyaarinayaa sidii ciidamada Soomaalida loogu wareejin lahaa amniga guud ee Soomaaliya.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga