Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay  wuxuu maanta shir ka yeelanayaa hawlgalka ATMIS ee dalka Soomaaliya.

Waa hawl galka ka rabo in lagu bedelo hawl galka AMISOM ee imika ka shaqeeya gudaha Soomaaliya, waana hawl gal nabad ilaalin oo Midawga Afrika ay Soomaaliya ka bilaabeen sanadkii 2007.

Golaha Ammaanku waxay ansixin doonaan hawl galka ATMIS, si uu shaqada u bilaabo bishan imika bilanaysa ee April.

ATMIS waa hawl gal ka duwan AMISOM, waa hawl gal ku meel gaadh ah oo kaliya shaqaynaya hal sanno. Waxa ay ciidamada Soomaalida ku wareejinayaan amniga marka uu dhammaado sanadkaasi.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga