Golaha Ammaanka Ee Qaramada Midoobey Ayaa Codsaday In La Soo Afjaro Colaadda Mudada Soo Jirtay Ee Falastiin iyo Isreal Taaso Ku Saabsan Xuduudka Marinka Gaza,
In Ka Badan 120 Qof Oo Reer Falastiin Ah Ayaa Lagu Dilay Kumanaan Kalena Waa Ay Ku Dhaawacmeen intii ay socdeen mudaharaadyadda,
Toban Dal, Oo Ay Ku Jiraan Ruushka Iyo Faransiiska, Waxay U Codeeyeen Go’aanka Ah In Lays Garab Taago Shacabka iyo Dawlada Reer Falastiin.
Britain, Poland, Holland Iyo Itoobiya – Ayaa Ka aamusay, Halka Maraykanka, Oo Ah Waddanka Tageeradda U Muujiya Reer Israa’Iil Uu U Codeeyo.
Qorshaha Kama Dambaysta Ah Ee Gollaha Amaanka Ayaa Loogu Yeedhay “Tixgelinta Tallaabooyinka Lagu Hubinayo Ammaanka Iyo Ilaalinta Shacabka Reer Falastiin Ee Degaanka Falastiin Oo Ay Ku Jiraan Marinka Gaza.
Hanan Ashrawi Oo Xubin Ka Ah Guddiga Fulinta Ee Falastiiniyiinta Ayaa Sheegay In Maraykanku Uu Mar Kale Muujiyay “Daacad U Ahaan-shaha Reer Israa’Iil Oo Isku Dayay In Uu Ka Difaaco Wax Kasta Oo Khalad Ah.