Go’doominta Qatar ayaa la filayaa in dhawaan xal laga gaadho iyadoo ay gobolka Bariga Dhexe ka socdaan wada xaajood culus oo dhinacyada lagu heshiisiinayo.
Wasiirka arimaha dibadda ee Qatar oo maanta hadlay ayaa xusay in dhinacyadu ay qarka u saaranyihiin heshiis ay gaadhaan.
Maxamed bin Cabdulraxmaan alThani wuxuu xusay in aanu hubin in ay tani noqon doonto dhammaadka qulqulada u dhaxaysay wadamada Khaliijka Carabta, balse uu rejo wanaagsan ka qabo in xal laga gaadho khilaafaadka jira.
Xalinta khilaafka Qatar iyo wadamada Khaliijka ayuu wasiirku ku tilmaamay mid muhiim u ah nabadda gobolka. Isagoo intaa ku daray in dawladiisa aanay u kala soocnayn wadamada gobolku.
Dedaalada dhexdexaadinta waxa hor kacaysa dawladda Maraykanka oo kaashanaysa dalka Khaliijka dhaca ee Kuwayt.
Sucuudiga, Imaraadka Carabta, Masar, iyo Baxrayn ayaa sanadkii 2017 xidhiidhka u jaray dalka Carbeed ee Qatar. Waxau kusoo rogeen go’doomin dhanka ganacsiga, socdaalka iyo diblomaasiyadda ah.