Garabka madaxweynaha maamulka Galmudug, Axmed Ducaale Xaaf, ayaa magaalada Gaalkacayo kaga dhawaaqay baarlamaan cusub oo ay sheegeen in uu yahay ka rasmiga ah ee maamulka cusub ee Galmudug.

Madaxweyne Xaaf ayaa magacaabay guddi soo dhistay baarlamanka hadda ay ku dhawaaqeen.

Maalintii Jimcaha ayaa baarlaman cusub loo doortay maamulka ay dhismihiisa waddo dawladda dhexe, kaas oo lagu doortay magaalada Dhuusamareeb.

Mr. Xaaf ayaa hore uga biyo diiday sida ay wax u waddo dawladda federaalku, arintan oo khilaaf hor leh dhalin karta.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga