Ugu danbayn dhulka yuu soo taabtay isagoo kasoo dhacay hawada sare kadib maalmo uu kusoo jiray hawada.

Gantaalkii waynaa ee Shiinaha ayaa Axadda maanta wuxuu kusoo dhacay biyaha badweynta Hindiya, meel aan ka fogayn biyaha jasiiradda Maldevis ee badweynta Hindiya.

Waa hadhaa kasoo hadhay gantaalka oo qayb ahaan hawada kusoo burburay inta kalana ay burbureen marka uu dhulka kusoo dhacay.

Kadib la socosho badan oo la eegayay, burburka gantaalka Shiinaha ayaa dhulka soo gaadhay, ayaa lagu yidhi war kasoo baxay hay’adda hawada sare ee dalka Shiinaha.

Waxa intaa ay ku dartay in dhammaan uu gubtay hadhaagu.

Midawga Yurub iyo Maraykanka oo iyaguna la socday ayaa xaqiijiyay in uu gantaalkani soo dhacay. Wuxuu jarayay xawaare dhan 13km halkii ilbidhiqsiba.

Ma jiro wax khasaare ah oo illaa hadda lasoo tabiyay in uu gaystay gantaalka Shiinuhu. Wasaaaradda arimaha dibadda ee Beijing ayaa xustay in aanay jirin waxyeelo ka dhalatay ganaalkooda.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga