Gantaal aan weli la aqoonsan cid riday ayaa ku wajahan oogada dayaxa sida ay ogaadeen khubarada dayaxa sare.
Shirkadda SpaceX ayaa sheegtay in gantaalkaas aanu iyada ka iman isla markaana aanay waxba kala socon.
Waxa la rumaysanyahay in gantaalkani uu yahay hadhaaga dayax gacmeed uu Shiinuhu u diray hawada sare sanadkii 2014, balse weli lama xaqiijin.
Bishii January ee sanadkan ayaa la ogaaday waxaana la filayaa in uu dayaxa gaadho bisha March, iyadoo saamayn koobani ay ka dhalan doonto sida ay sheegeen khubaradu.