Ganacsade Soomaali Ah Ayaa Lagu Dilay Dalka Koonfur Afrika Ka Dib Markii Sida La Sheegay Ay Koox Burcada Ah Weerar Ku Qaadeen Goob Ganacsi Oo Ay Lahaayeen Muwaadiniin Soomaali Ah,

Kooxda Burcadda Ah Ee Dilka Geysatay Ayaa Marka Ay Galeen Goobta Ganacsiga Waxaa Ay Ugu Horeynba Toogasho Ku Dileen Mid Ka Mid Ah Dhalinyaradii Halkaasi Joogay Oo Lagu Magacaabayay khadar Maxamed Nuur Oo Ku Dhax Jiray Goobta Dadka Macaamiisha Ah Lacagaha Looga Qaado Kadibna Waxaa Ay Halkaasi Ka Qaateen Lacago Iyo Kaararka Telfoonada Lagu Shubto Iyo Sidoo Kale Telfoonada Ay Isticmaalaayeen Dhalinyarada Dukaankaas,

Ciidamada Police-Ka Ayaa Goobta Yimid Saacad Kadib Markii Ay Kooxda Burcada Ah Goobta Ka Baxsadeen Waxaana Halkaasi Ay Ka Bilaabeen Baaritaano La Xadhiidha Sidii Gacanta Loogu Soo Dhigi Lahaa Kooxda Falka Geystay,

Sarkaalka Madaxda Ka Ah Saldhiga Police-Ka Ee Xafaadaasi Ayaa Ka Gaabsatay In Uu Faahfaahin Ka Siiyo Warfidiyeenada Falkan Balse Waxaa Uu Tilmaamay In Lagu Dabo Jiro Kooxihii Falkan Gaystay.

Alle Ha U Naxariisto Marxuum khadar Maxamed Nuur Ayaa Waxaa Lagu aasaya Qabuuraha Muslimiinta Ee Magaalada Johannesburg Waqtiyada Soo Socda

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga