Maamulka Galmudug ee badhtamaha Soomaaliya ayaa markii ugu horaysay shaaciyay in kiis cusub oo xanuunka Covid-19 ah ay ku arkeen mid ka mid ah degaanada uu maamulkaasi ka arimiyo.
Kiiskan cusub ayaa kusoo beegmaya xili dhawaan uu hoos u dhacayay heerka xanuunka ee gudaha dalka Soomaaliya, balse imika waxay u muuqataa in xanuunku uu mar kale soo laabanayo.
Kiisaska guud ee Soomaaliya ayaa maraya 3588 kiis iyadoo afar maalin ka horna ay wasaaradda caafimaadka ee dawladda federaalku sheegtay 146 kiis oo cusub ee xanuunka Covid-19 ah.