Galbeedka magaalada Hargeysa, ayaa laga hirgeliyay xabaalo cusub, guddida gacanta ku haysa hawsha xabaalahaas, ayaa sheegay, inay iibiyeen dhul cabbirkiisku dhan yahay 88,595 Mitir oo isku wareeg ah, kaasoo qiimihiisa lacageedna uu dhan yahay 240,000 oo dollar.

Guddida hawshan gacanta ku haysa, ayaa sheegay in lacagta badankeedii la bixiyey, iyagoo dadka muslimiinta ahna ka codsaday inay oo bixiyaan inta hadhay.

Sheekh Maxamed Ismaaciil, oo kamid ah culimada magaalada Hargeysa, ayaa sheegay inay hawshan u kaceen guddi is xilqaantay, taasoo ay hawsheeda wadeen muddo 13 bilood, maantana ay la joogaan dadkii dhulka iska lahaa oo ay ka heshiiyeen islana qaateen inay muslimiinta dhulkan uga dhigaan xabaalo.

Sheekha, ayaa xusay dad ganacsadeyaal ah oo ay ugu waawayn yihiin ganacsadeyaasha Maxamed Aw-Siciid iyo Ina Maaweel, oo uu ku sheegay inay iyagu bixiyeen lacagtii ugu badnayd, sheekha ayaa xusay inay dad kale kaga qayb qaateen karaankoodii.

Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xirsi Aadan Siiro, oo isna goobta ka hadlay, ayaa sheegay in aad loogu baahnaa xabaalahan, maadaama ay xabaalaha waqooyigu magaalada aad uga durugsan yihiin oo ay 12 Km u jiraan magaalada.

Cabdillaahi Shaqalle Aadan, oo kamid ah dadkii beerta lahaa, ayaa isna sheegay inay qiimahaa la sheegay ku iibiyeen, oo ay Alle dartii ula niyoodeen maadaama oo qiimaha dhulkaasi aanu intaa ahayne ay iyagu aad u saa’ireen raallina ay sidaa ku yihiin.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga