Is-goyska KM4 ee magaalada Muqdisho waxa saaka xidhay gaadiid cabasho ka qaba cashuuro ay dawladdu kusoo rogtay.

Gadiidka ayaa sheegay in aanay munaasib ku ahayn cashuur ay sheegeen in lagu kordhiyay xili inta badan jidadka magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ay xidhanyihiin. Jidadka Muqdisho ayay dawladdu sababo ammaan u xidhay, iyadoo arintaasi ku adkaysay wadayaasha gaadiidka isu-socodka magaalada dhexdeeda, maadaama jidad muhiim ahi ay xidhanyihiin.

Dawladda Soomaaliya ayaa ka gaabsatay in ay arintan ka hadasho, waxaana saaka wartabiyayaasha loo diiday in ay warar ka sameeyaan goobta ay cabashada ka dhigayaan qwadayaasha gaadiidku. Wararka ayaa sheegaya in ay ciidanka boolisku xidheen qaar ka mid ah saxafiyiinta oo isku dayayay in ay muuqaalo ka qaataan goobta.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga