Waxaa maaanta magaalada Muqdisho gaadhay,wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo wasiirka arrimaha debedda ahna raysal-wasaare kuxigeenka dawladda Gadar Sheekh Maxamed Binu Cabdirraxmaan Binu Jaasim Al-Taani.

Weftigan ayaa waxaa kamid ahaa saraakiil sarsare oo uu kamid yahay wasiirka gaadiidka, isgaadhsiinta iyo dekedaha ee dalka Gadar Jaasim Binu Sayf Axmed Al-Sulaati, kuwaasoo la kulmay raysal-wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre iyo ku xigeenkiisa Mahdi Maxamed Guuleed.

Kulanka Khayre iyo Al-Thani, ayaa lagaga wada hadlay sidii loo xoojin lahaa xidhiidhka labada dal iyo dardar gelinta mashaariic ay dawladda Gadar ka waddo Soomaaliya, sida lagu xusay qoraal kasoo baxay xafiiska Raysal-wasaare Khayre.
Kadib kulanka masuuliyiintan, ayaa wasiirka dekedaha Soomaaliya iyo wasiirka gaadiidka, isgaadhsiinta iyo dekedaha Gadar si wadajira u shaaciyeen in la bilaabayo dhismaha dekedda ee magaalada Hobyo oo kutaal gobolka Mudug.

Wasiirka reer Gadar ee Jaasim, ayaa sheegay in sida ugu casrisan ee deked loo dhiso loo dhisi doono midda Hobyo, laga bilaabo maantana hawsheeda la galayo si buu yidhi ay shacabka Soomaaliyeed uga wada faa’idaystaan.

Wasiir Maryan, wasiirka dekedaha Soomaaliya ayaa iyana sheegtay in dhismaha dekedda Hobyo muhiim u tahay shaqo abuurka dhallinyarada Soomaaliyeed iyo koboca dhaqaalaha Soomaaliya.

Si kastaba ha ahaatee xidhiidhka Gadar iyo Soomaaliya ayaa sii xoogaysanayay, iyadoo warbaahinta dunidu qoraysay in hirdanka u dhexeeya dalalka Khaliijka, gaar ahaan Imaaraadka Carabta iyo Gadar.
Axmed Maxamuud Yuusuf

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga