Muddo ka badan 10 sanno ayay sugaysay in ay hesho ilmaheeda ugu horeeya kadib guurkeeda, iyadoo ay sii yaraanaysay rejada ay ka qabto in ay mar uun ubad hesho.

Susie Troxler waxay ilmihii ugu horeeyay ku dhashay da’da 50-sanno jirka, iyadoo sheekadeedu ay soo jiidatay dad badan.

Waa babadh u dhalatay dalka Maryakanka, waxayna ku nooshahay magaalada High Point, gobolka Waqooyiga Carolina.

“Ma garan karo waxaan idhaahdo. Xataa weli ma rumaysni. Waxaan wakhti badan ku bixiyay in aan noqdo qofka aan ahay, kadib in aan xaas noqodo, balse in aan hooyo noqdo waan la dhacsanahay” ayay tidhi Susie Troxler, gabadha 50-jirka ku heshay ilmaheeda koobaad.

Seyiga gabadhan oo isna ah 61 jir kula nool Maryakanku wuxuu sheegay in ay ahayd wakhti adag balse hadda ay farxad dareemayaan.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga