Saraakiisha caafimaadka ee galbeedka Quuta ayaa ku eedeeyay ciidammada dawladda Suuriya in ay isticmaalaan gaasta sunta ah.

Sarkaal ka tirsan Sirdoonka Suuriya, oo sidoo kale loo yaqaan ‘White Helmets, ayaa Axaddii sheegay in haweenka iyo carruurta ku nool magaalada Al-Shifoniyah ay la kulmeen dhibaato neefsasho la’aan ah

hal Qof oo caruur ah ayaa ku dhintay iyada oo ay sababtay cabudhinta Neefsasho La’aanta,

Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in Madaxweyne Bashar al-Assad uu la dagaalamayo kooxo mucaaradka ah

Ugu yaraan 27 qof ayaa Axaddii lagu dilay kadib markii ay duqeyn u geysteen diyaaradaha dagaalka ee Ruushka, kuwaas oo lagu bartilmaameedsaday degmooyin iyo magaalooyin kala duwan oo ku yaala xaafada Dimishiq, sida uu sheegayo Wariyaha Telefishanka Al Jazeera Uga soo Warama Suuriya,

Weerarrada ayaa imaanaya kadib markii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ay si buuxda u ansixiyeen Xabad-joojin muddo 30 maalmood ah.

Sida laga soo xigtay Sirdoonka Suuriya ee Xuquuqda Aadanaha (SOHR), in ka badan 500 oo qof oo rayid ah ayaa naftooda ku waayay weerarrada oo  bilaabmay Febraayo 18.

Horraantii toddobaadkan, Qaramada Midoobay iyo hay’adaha kale ee caalamiga ah ayaa cadho ka muujiyay tirada dadka rayidka ah ee Dhimanaya.

Boqollaal kun oo qof ayaa ku dhintey intii ay socdeen dagaal sokeeye todoba sano, malaayiinna kalana waxaa lagu qasbay inay ka cararaan dalka.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga