Saddex Qof Ayaa Ku Dhintay 20 Kalane Way ku Dhaawacmeen Kaddib Markii Gaadhi Xawli Ku Socda Jiidhsiiyay Magaalada Muenster Ee Galbeedka Dalka Jarmalka Dad Maqaaxi Ku Sugnaa.

Ninka Weerarka Soo Qaaday Ayaa Is Toogtay Halka Lix Kamida Dadka Weerarka Ku Dhaawacma Ay Xaaladoodu liidato.

Dadka Waxyeeladu kasoo Gaadhay Ayaa La Sheegay In Ay Ku Sugnaayeen Maqaaxi Caan Ah Oo Ay Ku Cunteynayeen Tasoo Ku Taala Badhtamaha Magaalada Muenster.

Ninka Weerarka Geystey Ayaa La Sheegay Inuu Yahay 48 Jir U Dhashay Wadanka Jarmalka Balse Dhimirkiisu aanu Caadi Ahayn.

Mas’Uuliyiin U Hadashay Maamulka Magaalada Uu Weerarka Ka Dhacay Ayaa Sheegay In Uusan Falkan Wax Xidhiidh Ah La Lahayn Argagaxiso.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga