Gudida Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal ee Soomaaliya ayaa sheegay in aanay suurtagal ahayn in la hakiyo doorashada aqalka shacabka oo imika ka socota qaybo ka mid ah Soomaaliya.

Gudoomiyaha gudida doorashooyinka oo waraysi bixiyay ayaa xusay in xiligan aanay suurta gal ahayn doorashada oo la joojiyo balse khaladaadka jira la sixi karo iyada oo doorashada la wado.

Maxamed Cirro wuxuu intaa ku daray in hanaanka doorashada dadban ee imika heshiis lagu wada ahaa, isla markaana ay tahay in aga wada shaqeeyo sidii waxa khaldan loo sixi lahaa.

Hadalka gudoomiyaha ayaa imanaya xili ay golaha midawga murashaxiintu ku baaqeen in la joojiyo doorashada golaha shacabka, iyagoo musuq badan ku eedeeyay in uu hadheeyay doorashada.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga