Jeffrey Feltman wuxuu usoo socdaalayaa Bariga Afrika, isagoo tagaya wadamo badan.

Diblomaasigan oo dhawaan uu Maraykanku uu u magacaabay ergeygiisa gaar ka ah ee Geeska Afrika ayaa socdaalkiisa ay shaacisay waaxda arimaha dibadda ee Maraykanku.

Ergeyga Maraykanka ayaa tagaya wadamada Ereteriya, Sudan, Itoobiya iyo Masar isagoo socdaalkiisu uu qaadan doono illaa 13-ka bishan aynu ku jirno ee May.

Jeffrey Feltman wuxuu la kulmi doonaa madaxda dawladaha uu u safrayo, iyo dhinacyada saamilayda ee wadan kasta sida uu qorshuhu yahay.

Maraykanka ayaa raba in uu soo celiyo saamayntiisii Afrika kadib afar sanno oo uu talada hayay Donald Trump, madaxweynihii qasay siyaasadda arimaha dibadda ee Ameerika.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga