Hay’adda sirdoonka gudaha ee dalka Maraykanka loona yaqaano FBI-da ayaa ku biirtay baadhitaano lagu ogaanayo sida ay u dhacday akoonada dad madax iyo maal qabeeno iskugu jira oo la jabsaday.
Xarunta hay’adda ee magaalada San Faransisco ayaa war ay soo saartay ku sheegtay in ay bilawaday baadhitaano kadib markii kooxo budhcad ahi ay awood u heleen in ay gudaha u galaan hanaanka shirkadda Twitter ee dhanka Internet-ka.
Illaa 130 akoono Twitterka ah ayaa la bartilmaameedsaday, sida ay Jimcaha maanta sheegtay shirkadda Twitter. Shirkadda ayaa xustay in kooxaha weerarka ka danbeeyay ay si buuxda ula wareegeen akoonada qaar, taas oo u saamaxday in ay fariimo diri karaan.
Dadka akoonadooda loo dhacay waxa ku jira madaxweynihii hore ee Maraykanka, Barack Obama, murashaxa madaxtinimada ee xisbiga Dimuqraadiga, Joe Biden, labada nin ee ugu hantida badan dunida Jeff Besoz iyo Bil Gates, fanaanka Kanye Waste iyo xaaskiisa Kim Kardashian iyo dad kale oo caan ah.