Biyaha wabiga Shabeele ayaa sii fatahaya iyadoo xalay illaa maanta ay biyuhu dhamaan inta badan gaadheen qaybaha magaalada Beledweyne, waxaana jira dad badan oo ku go’doonsan magaalada dhexdeeda.

Tobanaan kun oo qof ayaa ku barakacay fatahaadaha wabiga, oo ka mid noqonaya kuwii ugu waynaa ee la arko taariikhda fatahaadaha ee webiga Shabeele.

Waxa jira khasaare laxaad leh oo ay geysteen daadadku, iyadoo bakhaaro badan oo magaalada ku yaalay ay biyuhu galeen.

Dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay caawimo degdeg ah gaadhsiin doonto dadka ay waxyeeleen fatahaaduhu, waxaana ay magacawday gudi arintan ka shaqeeya.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga