Fatahaadaha ayaa ku fidaya magaalada wayn ee New York, halkaas digniinaha dadka loo dirayaa ay iskasoo dabadhacayaan.

Malaayiin qof oo shacabka magaalada iyo kuwa nawaaxigeedka degen ah ayay saameeyeen fatahaado lagu sheegay kuwo aan hore loogu arag New York, magaalada aan damin ee dhacda waqooyi bari Maraykanka.

Dabaylaha Ida ayaa saameeyay New York iyo New Jersey oo ah gobol ah xad wadaagaan, halkaas oo rooabka ka da’ay jabiyeen xadiga roobka ee looga bartay deegaankan.

Maayir Bill de Blasio wuxuu shacabka magaaladiisa NewYork uga digay in ay dibadda usoo baxaan, illaa inta uu maamulkiisu war ka sheegayo.

Boqolaal kun oo qof ayay ka go’antahay korontadu, dab ayaa qabsaday eelaha qaar iyadoo biyuhu ay galeen guryo tiro badan.

Weli dhimashada, dadka la la’yahay iyo dhaawacyada mashaqadan ayaan ahayn kuwo sugan xili kooxaha gargaarku ay ku hawlanyihiin samataxbiinta dadka soo wacaya ee gargaarka dalbanaya.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga