Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta u duulay magaalada Asmara ee caasimadda waddanka Eritrea.

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka qayb galaya kulan is-kaashi oo u dhaxeeya dawladaha Soomaaliya, Itoobiya iyo Eritrea, sida lagu sheegayw ar kasoo abxay amdaxtooyada Soomaaliya.

Farmaajo ayaa muddo bil ka yar markii labaad u safraya dalka Eritrea, iyadoo socdaalkisii hore baraha bulshada lagu arkayay Soomaali badan oo dhaliilsan safarada madaxweynaha oo aad u badan.

Dawladahan saddexda ah ayaa ka shiraya sidii kor loogu qaadi lahaa is-kaashigooda, la dagaalanka argagixisada, is-kaashiga dhaqaalaha, fududaynta isu socodka dadka iyo arimo kale oo muhiim u ah horusocodka gobolka, sida ay mar kale sheegtay Villa Soomaaliya.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga