Xukuumadda madaxweyne Farmaajo ayaa muddo sadex sanno ah kadib sheegtay in ay diyaar u tahay wada hadal ay la furto dawladda Somaliland.

Guddi ay xukuumaddu u saartay wada hadalka Somaliland ayaa cadeeyay in ay dhankooda diyaar u yihiin sii anba qaadida wada hadalka, iyagoo kulamo badan ku qaatay magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Gudida waxa ku jira xubno kasoo jeeda Somaliland, arintaas oo Somaliland ay hore u diiday.

Xukuumadda madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxay mar hore xustay in aanay wada hadal la gali doonin xukuumadda Xamar ee madaxweyne Farmaajo maadaama ay carqaladaynayso horumarka Somaliland, waa sida ay hadalka u dhigeene.

Wali wax war ahi kamuu soo bixin dhanka Somaliland oo ku aadan warkan cusub ee ka yimi Muqdisho.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga