Madaxweynaha mudo xileedkiisu dhammaaday ee Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta u amba-baxay magaalada Addis Ababa ee Caasimadda dalka Itoobiya oo uu kaga qayb galayo meertada 35-aad ee Shirweynaha Ururka Midowga Afrika.

Farmaajo ayaa inta uu joogo Addis wuxuu kulamo la qaadan doonaa madaxda kasoo qayb gasha shirka.

Shirweynahan oo ay ka qayb galayaan Hoggaamiyeyaasha Dalalka Afrika iyo madax kale, ayaa looga arrinsanayaa dib-u-habaynta Ururka Midowga Afrika, hirgelinta hiigsiga Ururka ee sannadda 2063 iyo wax ka qabashada caqabaha kala duwan ee ay Qaaraddu wajahayso oo ay ugu horreeyaan rabshadaha, saboolnimada, cunno yarida iyo cudurka COVID-19.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga