Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Farmaajo iyo Raysalwasaaraha xil gaadhsiinta Rooble ayaa xalay kulan toos ah ku wada yeeshay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Kulanka xalay oo ka dhacay gudaha madaxtooyada ayaa ahaa mid badi la isku muujiyay iskusoo dhawaansho iyo laab-furnaan, waxaana la filayaa in caawa kulan kale ay yeeshaan labada masuul.

Farmaajo iyo Rooble ayaan kulmin tan iyo dedaaladii fashilmay ee dhexdhexaadinta, balse dedaaladan cusub ayuu wadaa madaxweynaha Koonfur Galbeed, Laftagareen.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga