Madaxweynayaasha wadamada Soomaaliya iyo Kenya ayaa xalay isku arkay magaalada Sochi ee dalka Ruushka halkaas oo ay labaduba kaga qayb galayaan shirka iskaashiga Afrika iyo Ruushka oo markii ugu horeysay ay xukuumadda Moscow soo agaasintay.

Waxa xusid mudan in labada madaxweyne ay miis kuwada casheeyeen, balse aan la ogayn sheekada dhex martay.

Kulanku wuxuu ahaa mid casho-sharaf ah oo madaxweyne Putin uu ku csuumay madaxda Afrika, balse muu ahayn mid u gaar ahaa labada madaxweyne, waxaana miiska ku wehelinayay madax uu ka mid ahaa raysalwasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed.

Soomaaliya iyo Kenya ayaa ku muransan biyaha u dhexeeya ee ku yaala badweynta India, waxaana kiiskoodu uu ku jiraa maxkamadda ICJ.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga