Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay ra’iisul wasaaraha dalka ku yaala waqooyiga Ameerika ee Canada.

Maxamed Farmaajo iyo Justin Trudeau ayaa ku shiray magaalada Addis Ababa ee caasimadda waddanka Itoobiya, intii uu socday kulanka guud ee madaxda Afrika oo todobaadkan ka socday magaalada Addis.

Labada hogaamiye ayaa ka wada hadlay sidii oo xoojin lahaa iskaashiga u dhaxeeya labada dalka oo xidhiidh wanaagsani ka dhaxeeyo, sida lagu sheegay war kasoo baxay madaxtooyada Soomaaliya.

Soomaaliya waxay Canada uga mahadnaqday sida ay isku barbartaagtay dalkeeda, iyadoo sidoo kale ku ammaantay fursadaha kala duwan ee ay siiso dadka Soomaalida ee ku dhaqan gudaha waddanka Canada, oo door laxaad leh ka qaata horumarka Soomaaliya.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga