Faransiiska ayaa wada olole xoogan oo cuno qabatayn lagu saarayo dalka uu xafiiltanku ka dhexeeyo ee Turkiga.

Midawga reer Yurub ayay xukuumadda Paris ku cadaadinaysaa in ay cunoqabatayn kusoo rogaan Turkiga. Kadib wax ay ku sheegeen diidmo uu ay xukuumadda Ankari kala hor timi digniin ay hore u siiyeen Midawga Yurub, taas oo ku aadnayd sahamin shidaal oo badda middeteranean-ka uu ka bilaabay.

Faransiisku wuxuu raadinayaa taageerada wadamada Yurub si bisha soo socota cuno qabatayn dhaqaale loo saaro Turkiga.

Wasiirka arimaha dibadda ee dalka Turkiga ayaa cambaareeyay ololaha Faransiiska iyo damaca Yurub ee ah cuno qabatayn Turkiga lagusoo rogo.

Wasiirka ayaa ku tilmaamay mid aan cidna dan u ahayn.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga