Dunida muslimka waxaa laga dareemayaa sida looga xun yahay hadallada kasoo yeedhay madaxwaynaha Faransiiska Emanual Macron iyo ficillada dalkaasi lagaga jeesjeesayo wax lagu sheegay sawirrada nebi Muxammed NNKH, iyadoo Faransiisku yahay midka ugu muslimiin badan guud ahaan qaaradda Yurub.

Bal haddaba si aad u fahanto dhacdadan ugu dambaysay, ila soco.

Nin macallin dugsi-dhexe ka ahaa Faransiiska, kaas oo magaciisa la odhanayay Samual Paty, ayaa tusay sawir-gacmeed uu ku sheegay inuu ahaa nebi Muxammed NNKH ardaydiisii.

Wararku, waxay sheegayaan in macallinku uu ardaydii muslimiinta ahayd ee fasalka cunsuriyadeeyay, isagoo sawirradana uu daabacay Charlie Hebdo kii lagu dilay 12 qof sannadkii 2015, markaas oo loo haystay aflagaadayn ay u gaysteen Nebi Muxammed NNKH. 

Kadib markii muuqaallo ay ku baaheen internet-ka, muuqaalladaasi oo sheegaya falka uu macallinku ku kacay, ayaa maalin cad magaalada Paris ee caasimadda dalka Faransiiska, waxaa wiil 18 jir Muslin ku dhashay Ruushka magaciisana layidhaa Abdullakh Anzorov ku gawracay macallinkaasi.

Midi uu sitay ayuu falka ku gaystay, daqiiqado kooban kadibse booliska ayaa isna toogtay.

Bilowgii horeba, muslimiin badan ayaa ku tilmaamay falkaasi inaanu ahayn tallaabo habboon oo jawaab u noqon kartay waxa uu macallinku ku kacay, balse madaxwaynaha Faransiiska Macron ayaa isagoo ka hadalaya aaska loo sameeyay macallinka la dilay waxaa uu sheegay in diinta ‘’islaamku ay dhibaato ku jirto’’, inaanay weligood joojin doonin wax uu ku timaamay difaaca xorriyadda hadalka, isbedel lagu sameeyo diinta islaamka iyo sharciyo lagula dagaallamayo xagjirka’’.

Sannadkii 2004, Faransiisku wuxuu noqday dalkii ugu horreeyay Yurub ee joojiya xidhashada xijaabka, markaas oo uu Macron ku tilmaamay inaanu xijaabku waafaqayn il-baxnimada dalkooda.

Dalka Yurub ugu muslin badan oo hoy u ah ka badan 6 Milyan oo muslimiin badankooda kasoo jeeda dalalka waqooyiga iyo galbeedka qaaradda Afrika kuwaas oo uu mar Faransiisku gumaysan jiray, waxay dareemayaan kacdoon midigta fog oo uu horseedayo madaxwaynahoodu.

Dunida muslinka si wayn baa looga dareen celiyay dhacdooyinkan, madaxwaynaha Turkigu wuxuu taageeray in alaabada faransiiska laga soo saaro aan la iibsan, dukaamada suuqyada Kuwayd, baxrayn iyo Sucuudiga ayaa laga guray, Pakistan iyo Iran waxay u yeedheen danjiraha Faransiiska halkaasi u fadhiya, Bagladesh waxaa ka socda mudaharaaddo xooggan, Falastiin baa ka daran, illaa dhulka Soomaalida waxaa soo gaadhay dibad-baxyada laxaadka leh.

Cayda, ceebaynta, aflagaadaynta iyo wax xun ka sheeggu kuma koobna nebi Muxammed NNKH, balse waxaa hore loogu tacaddiyay Ilaaha koonkan abuuray iyo ambiyada uu kamidka yahay nebi Ciise Calayhi Salaam iyadoo loo soo huwiyay shaadhka xorriyadda hadalka, taas oo aanay ogolayn in meelaha qaar lagagaba hadli karo.

Kadib maalmo ay baraha Internet-ka ka socotay diidamada alaabaha Faransiiska lagu diidan yahay ee #BoycottFrance, Hinidya waxaa kasoo muuqanaya in la garan istaagayo Faransiiska iyadoo baraha Twitter ee dalkaasina lagu baahiyay #ISTANDWITHFRANCE iyo #WESTANDWITHFRANCE.

Si kastaba ha ahaatee waxaa laga dhur-sugayaa halka ay arrintani ku biyo shubato.

Axmed Maxamuud Yuusuf, Telefishanka Saab, Hargeysa.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga