Faransiisku wuxuu Israel ugu baaqay in ay joojiso qorshaha ay dhulka kaga qabsanayso Falastiin, taas oo ay wado xukuumadda TelAviv.

Madaxweynaha Faransiiska, Enauel Macron, ayaa khadka telefanka kula xidhiidhay raysalwasaaraha midigta u janjeedha ee Yuhuuda, Benjamin Netenyahu, oo uu ka dalbaday in xukuumadiisu ay joojiso dhulka ay xooga kaga qaadayso shacabka Falastiin.

War kasoo baxay xafiiska Macron ayaa lagu xusay in madaxweynuhu uu Israel u sheegay in tallaabadani hadii ay qaadaan ay tahay xadgudub ka dhan ah shuruucda caalamiga ah, isla markaana dhaawac wayn soo gaadhsiinayso xalka la rabo in lagu unko laba waddan oo Israel iyo Falastiin kala ah.

Waa isku daygii ugu danbeeyay ee madaxda Yurub ay ku rabto in Netenyahu ay damaciisa ku hor istaagaan, kaas oo ah in daanta galbeed uu Yuhuud kale ku deegaameeyo isla markaana iskusii fidiyaan dooxada istaraatijiga ah ee Urdun.

Qorshaha Israel oo si wayn looga cambaareeyay gobolka Bariga Dhexe iyo caalamka oo dhan, balse wuxuu taageero ka helayaa xukuumadda Washington, isagoo madaxweyne Trump taageero baaxad leh u muujiyay.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga