Nicolas Sarkozy, madaxweynihii hore ee Faransiiska, ayaa si rasmi ah loo geliyay baadhis la xidhiidhka tuhun ah inuu aqbalay lacagtii hogaamiyihii hore ee Liibiya Mucamar Qadaafi, lacagtaasi oo uu Qadaafi ku maalgeliyay sida la tuhunsan yahay doorashadiisii ​​2007, xafiiska dacwad oogaha maaliyadeed ee qaranka ayaa ku dhawaaqay.

Laba sano ka dib markii lagu soo oogay dacwadiisa seddexaad musuqmaasuq, lunsashada hantida dadweynaha Liibiya iyo maalgelinta sharci darrada ah ee ololihii doorashada 2007, waxaa lagu dhawaaqay jimcahan in Sarkozy lagu baadhayo “urur dambiyeed”.

Sarkozy ayaa  waxaa maalintii  Isniintii uu xafiiska dacwad oogaha qaranka faransiisku ku wargeliyay dacwadaha loo haysto,, balse qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ayuu ku diiday inuu sameeyay haba yaraatee wax khalad ah.

Qoraalka uu madaxwaynihii hore ee Faransiisku soo geliyay bartiisa Facebook ayuu waxaa uu ku yidhi:

‘’Ka dib afar maalmood oo waydiimo lay waydiinayay, intii aan ka jawaabayay dhammaan su’aalaha la ii soo dhigay iyada oo aanan gelin wax dhibaato ah’’

 Madaxwaynihii hore ee Faransiiska ayaa ku adkaysanaya inuu yahay dembi laawe

65-jirkan ayaa beeniyay eedeymo uga yimid xubnihii hore ee hoggaamiyihii Mucamar Al-Qadaafi ee ahaa inuu malaayiin ka qaatay madaxii Liibiya ee la dilay, qaarkoodna lagu keenay shandado lacag caddaan ah, oo uu ku guuleystay madaxweynenimadiisa.

Fadeexadan ayaa soo shaac baxday sanadkii 2012, markii shabakada baaritaanka ee Mediapart ay daabacday dukumiinti ay ku muujineyso in Qadaafi uu ogolaaday in Sarkozy la siiyo ilaa 50 milyan oo Yuuro ($ 58m ama $ 67.6m qiimaha maanta).

Sannadkii 2011-kii, markii ciidammada NATO taageeraya ay Qadaafi ka saarayeen awoodda, wiilka ugu yar hoggaamiyaha Liibiya Saif al-Islam, ayaa u sheegay shabakadda Euronews: “Sarkozy waa inuu marka hore dib u soo celiyaa lacagtii uu ka qaaday Liibiya si uu ugu maalgeliyo ololihiisa doorashada.”

 

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga