Allaha U Naxariistee Waxaa Maanta Geeriyootay Fanaanadii Waynayd Ee Sahra Axmed Jaamac Oo Maalmihii Ugu Danbeeyay Xaalad Caafimaad U Jiiftay Magaalada Hargeysa,
Sahra Axmed Jaamac Ayaa Fanka Ku Jirtay Nusqarni Kana Mid Ahayd Foolaadka Fanka Iyo Dhaqanka Umadda Soomaaliyeed,
Marxuumad Sahra Axmed Waxay Maalmihii U Dambaysay Ku Xanuunsanaysay Cisbitaalka Magaaladda Hargeysa, Balse Waxa Maanta Ku Timid Xaqeedii aanu Qofna Dhaafi Karin.
Marxuumad Sahra Axmed Jaamac Waxay Dhalatay Sanadkii, 1956-Dii, Waxaanay Ku Dhallatay Gobolka Togdheer, Waxaana Fanka Ku Soo Biirtay 1969-Kii Iyadoo Wakhtigaasi La Sheegay Inay Da’Deedu Ahayd 13 Jir Sida Ay Sheegeen Dadkii Ay Ku Walaaloobeen Fanka Soomaalidda.
Sahra Axmed Waxa Ay Ku Caanbaxday Oo Dad Badani U Yaqaaneen Magaca Ah Quruxda Fanka Soomaaliyeed, Iyadoo Ahayd Fanaanadii Ugu Da’Da Yarayd Ee Ku Biirta Waaberi Hadana Waxa Ay Ahayd Xidig Ka Dhex Ifaysa Waaberi Tan Iyo Burburkii Dowladii Dhexe Ee Somalia. Burburkii Dawladdii Dhexe Ee Soomaaliya Waxay Riwaayado Badan Sahra Ay Ku Dib Ugu Dhigtay Dalka Jabuuti, Iyadoo Markii Danbana Dhinacaa Iyo Qurbaha U Kicitintay, Halkaasi Oo In Muddo Ah Ay Ku Noolayd.
Sahra Axmed Jaamac Oo Ahayd Waayeelka Fanka Iyo Hiraalka Fanka Soomaaliyeed Ee Lagu Daydo, Waxay Ifka Kaga Tagtay 11 Caruur Ah, Waxaanay Ka Mid Tahay Fanaaniinta Ugu Caruurta Badan.
Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi Ayaa Marxuum Sahra Axmed Jaamac Ka Tacsiyadeeyey Eheladii iyo Bahda Fanka Iyo Suugaanta.Ee ay Ka Baxday,
Madaxweynuhu Waxa Uu Marxuumada Ku Sifeeyey Hooyo Ka Baxday Bahda Fanka Iyo Suugaanta, Magac Iyo Sumcadna Ku Lahayd Bulshada Ku Hadasha Afka Soomaaliga Meel Ay Joogaanba, Marxuumadu Waxay Fanka Ku Soo Biirtay, 1969kii.
Sidoo Kale Madaxweyne Muuse Biixi Ayaa Marxuumada Alle Uga Baryayay Inuu Naxariistii Janno Ka Waraabiyo, Bahda Fanka Iyo Suugaanta, Waxgaradka, Waayeelka, Aqoonyahanka Qoyska, Ehelada, Qaraabada, Asxaabta Iyo Shacbiga Somaliland Ee Ay Ka Baxdayna Samir Iyo Iimaan Saadiqa Ka Siiyo