Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa weerar ay ciidamada alShabaab ku qaadeen deegaanka Ceelbaraf ee gobolka Shabeelada Dhexe.

Weerarka ayaa ahaa mid xoogan oo ugu horayn qarax ku bilaabmay kadibna rasaas lays waydaarsaday.

Saldhiga ay alShabaab weerartay waxa degenaa ciidamada ATMIS iyo kuwa dawladda Soomaaliya.

AlShabaab waxay sheegatay in ay xasuuq ba’an ka gaysatay saldhiga balse may sheegin tirada ay dishay.

Dhimashada 4 askari iyo dhaawaca 5 kale ayay warbaahinta deegaanku ku warantay inkasta oo aanu jirin war dawladda kasoo baxay.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga