Faahfaahin kooban ayaa kasoo baxaysa kahsaaraha ka dhashay dab xalay la bakhtiiyay oo ka kacay is-goyska Banaadir ee magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Dabka ayaan la ogayn waxa sababay iyadoo ay maamulka gobolku wadaan baadhitaan ku aadan sababta iyo sidoo kale khasaaraha.

Inta la ogyahay waxa ku dhaawacmay shaqaale ka tirsan kooxaha dab daminta sida uu xaqiijiyay Cabdiqani Dhaloole oo ah agaasimaha gurmadka deg dega ah ee gobalka Banaadir .

Dhaawacyada dabka ka dhashay ayaa ah kuwo fudud sida ay sheegeen saraakiisha caafimaadku, iyadoo la daawayn doono.

Weli waxaan la ogayn khasaaraha maaliyadeed ee ka dhashay dabka xili ganacsiyo badan ay ku gubteen dabka.

WARARKA KASOO KORDHA KALA SOCO SAABTV.COM

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga