Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa qarax khasaare badan sababay oo ka dhacay magaalada Kismaayo.

Qaraxa ayaa ka dhacay xaafadda Farjano, gaar ahaan laanta Siinaay ee magaalada Kismaayo, waxaana lala eegtay masuul ka tirsan dekedda magaalada Kismaayo.

Laba qof ayaa ku dhintay qaraxa halka mid kalana uu ku dhaawacmay.

Haweenay xaamilo ah iyo wiil ay dhashay ayaa ku dhintay qaraxa, balse waxa badbaaday masuulka looga dan lahaa qaraxa.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga