Sida ay ku warramayso warbaahinta Muqdisho, qarax miino ayaa Goordhowd ka dhacay Agagaarka iskuulka Almasal Ex-iskuulka Fiita una Oktoober kaas oo ku dhow xerada Ciidanka Cirka iyo iridda loo aado garoonka diyaaradaha Xamar ee degmada waabari ee magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in saraakiil katirsan haayadaha ammaanku iyo maamulka degamada Waaberi ay xaqiijiyeen in qaraxa miino uu ka dhacay waddada dhinaceeda, iyadoo aan weli si rasmi ah loo ogayn khasaaraha dhabta ah.

Dugsiga uu qaraxu ka ag dhacay, ayaa maalinta berri ah qorshuhu ahaa in lagu galo imitxaanaadka shahaadiga ah ee dugsiyada dhexe, kaasi oo ay warbaahintu sheegayso inay tahay markii ugu horraysay ee ay qaadayso wasaaradda waxbarashada dawladda federaalka Soomaaliya.

Wixii warar kasoo kordha kala soco Saab TV

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga