Shirkadaha shidaalka ee Shell iyo Exxon ayaa dawladda Soomaaliya siinaya $1.7m, iyadoo labada shirkadood ay hawlo sahamin shidaal ah ka bilaabayaan waddanka.

Shirkadahan oo ah kuwa ugu waawayn caalamka ee sahaminta shidaalka ayaa lagu wadaa in sanadada soo socda ay ka hawlgalaan dalkan ku yaala bariga afrika oo sanado badan ay deganaansho la’aani kajirtay.

Exxon oo maraykanka laga leeyahay iyo Shell oo Ingiriiska iyo holland laga leeyahay ayaa 30 sanno ka hor shidaal ka helay soomaaliya, ka hor burburkii dawladdii dhexe ee Jamhuuriyadii Soomaaliyeed.

Illaa 5 ceel ayay labada shirkadood qorshaynayeen in ay hawlo shidaal saaris ah ka bilaabaan, balse dagaaladii sokeeye iyo qalalaasihii dhacay ayaa curyaamiyay hawlaha socday.

Sanado badan kadib, bishii June ee sanadkan ayuu soo baxay warka sheegaya in shirkadahani ay Soomaaliya kusoo noqonayaan, iyagoo bilaha soo socda si toos ah dib ugu bilaabaya hawlihii ay wadeen.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga