In mootooyinka laga mamnuuco Addisa Ababa ayaa looga dan leeyay si loo xakameeyo dambiyada dhaca.

Duqa caasimada, ayaa sheegay in dambiilayaasha saaran Dhug -dhugleyadu ay dhacaan dadka.

Takele Uma , waxa uu sheegay in ganacsigu dhibaatada ka xaroobi doono, laakiin shirkaddaha adeegyada qaybiyaha ayaa sheegay in ay saamayn ku yeelatay mootooyinka dawladda la wareegtay.

Dhug-dhugleyada oo aad ugu badanaya Addis Ababa, waxa aan saamayn saxmada gaadiid, laakiin aad looga ma yaqaan si la mida magaalooyin kale oo ku yaalla AfrikaMamnuucid sidan oo kale ayaa laga hirgeliyay meelo kale oo Afrika ah si looga hor tago dhaca iyo weerarada.

Toddobaad ka hor intii aanay dawlada mamnuucin , ayaa shirkad qaybisa cunadu u sheegtay macaamiisheeda in aanay joojin doonin adeegyada , ka dib markii ay dawladu la wareegtay mootooyin.

Maalintii Isniin shirkada kale oo qaabilsan adeegyada cuno qaybinta oo la yidhaahdo Z Mall, taasoo Pizza-da ugu geysa goobaha ay ku nool yihiin Daku, ayaa sheegtay in aanay dalabyada fulin karin, sababtoo ah xiyiraada jirta.

Dhug-dhugleyada ayaa sharci daro ka ah magaalooyinka ku yaalla dalka Afrika ugu dadka badan ee Nigeria muddo 9 sanno ah.

Magaalooyinka Lagos , Port Harcourt iyo Abuja, ayaa laga mamnuucay in ay galaan faras-magaalaha, waxa loo arkay in ay si fudud ugu baxsan karaan tuugadu.

Magaalada Waqooyiga ku taalla ee Maiduguri, waxa laga mamnuucay 2011-kii ka dib markii ay wareeraro ku fuliyeen Islaamiyiinta xagjirka ah ee Boko Xaaraam.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga