Hogaamiyeyaasha Eritrea iyo Itoobiya ayaa dib u furaya xadkii dhulka la isaga tallaabi jiray ee la xidhay labaatan sano ka hor markii ay dagaalka xun galeen labadan dal ee dariska ah sagaashaneeyadii.

Arrintan ayaa waddada u xaadhaysa in ay dib u midoobaan kumannaan qoys labada dhinac ku kala xayirmay.

Dib u furitaanka waddada gobolka Zalambesa ee Waqooyiga dalka Itoobiya ayaa dabo socota heshiiskii taariikhiga ahaa ee nabadda ee ay bishii Luulyo kala sixiixdeen Itoobiya iyo Eritrea, arrintaas oo soo noolaysay xidhiidhkii dublamaasi ee labada dal oo mar cadaw isu ahaa.

Dib u furitaanka waddadan ayaa ku soo Beegantay maalin ku haboon iyadoo labada dalba ay maanta (Talaado) u dabaal dagayaan sannadka cusub.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga