John Mahama, madaxweynihii hore ee Ghana, oo dhawaan loo magacaabay ergeyga gaarka ah ee Midawga Afrika u qaabilsan dalka Soomaaliya ayaa sheegay in uu iska casilay xilkaas oo uu hore u aqbalay madaxweynahan hore.

Mahama ayaa warqad uu u qoray gudoomiyaha Midawga Afrika wuxuu ku xusay sababta uu uga tagayo xilkan uu hore ugu igmaday gudoomjiyaha Midawga Afrika, Musa Faki Maxamed.

Warqadda ayuu Mahama wuxuu ku sheegay in aanu hawsha loo igmaday gudan karin maadaama uu dhinac ka mid ah dhinacyada is haya ee Soomaaliya aanu wax kalsooni ah u qabin shaqada uu hayay, taasina ay caqabad ku noqonayso hawsha uu qaban lahaa oo ah mid baaxad leh siyaasad ahaan.

John Mahama wuxuu intaa ku daray in uu go’aansaday in uu jagadaas banneeyo, inkasta oo dhinacyada kale ay ku qanacsanyihiin ergeygan.

Dawladda Soomaaliya ayaa iyadu ka hor timi magacaabida ergeyga Midawga Afrika, John Mahama, oo ay tibaaxday in aanay la shaqayn doonin ergeygan cusub oo ay ku eedaysay in uu xidhiidh dhaw la leeyahay dalka Kenya oo farogalin ku haya Soomaaliya sida ay qabto xukuumadda Muqdisho.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga