Turkish President Tayyip Erdogan and French President Emmanuel Macron attend a news conference after a Syria summit, in Istanbul, Turkey October 27, 2018. REUTERS/Murad Sezer

Xiisadda u dhaxaysa labada dal ee Faransiiska iyo Turkiga ayaa meel adag maraysa. Labada madaxweyne waa Emannuel Macron iyo Reccep Erdogan waxay is waydaarsadeen hadaladii ugu kululaa.

Madaxweyne Erdogan wuxuu dhiggiisa Faransiiska Macron ku tilmaamay nin maskaxda ka jirran oo u baahan daawayn.

Erdogan wuxuu ka cadhooday hadalada Macron ee ku wajahan islaamka iyo muslimiinta.

“Maxaa ninkan Macron laga siiyaa Muslimiinta iyo Islaamka. Macron wuxuu u baahanyahay daawayn maskaxeed” ayuu yidhi madaxweyne Erdogan.

Madaxweynaha Faransiiska, Emannuel Macron, oo muddooyinkii danbe lagu bartay in uu dhaleeceeyo Islaamka ayaa todobaadkan horaantiisii wuxuu difaacay in sawir gacmeed ku sheegay nabi Muxammed NNKH.

Hadalada madaxweynaha Faransiiska ayaa ka cadhaysiiyay muslimiinta dunida ku dhaqan iyadoo si wayn looga falceliyay.

Faransiisku wuxuu u yeedhay safiirkii u joogay dalka Turkiga, oo uu ku amray in uu kasoo baxo dalkaas.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga