Madaxweynayaasha dawladaha Turkiga iyo Soomaaliya ayaa kuwada hadalay khadka telefanka sida ay sheegtay madaxtooyada Soomaaliya.

Recep Erdogan ayaa soo wacay madaxweyne Maxamed Farmaajo si uu uga tacsiyeeyo shacabka Soomaaliyeed musiibadii ka dhalatay weerarkii Sabtidii lagu qaaday isgoyska Ex-Cotrol Afgooye ee magaalada Muqdisho. Weerarka ayay ku dhinteen in ka badan 80 qof oo dad shacab ah u badnaa, waxaana ku jiray arday.

Xukuumadda Erdogan waxay taageero baaxad leh u fidisay dadkii ku waxyeeloobay weerarka, iyadoo dadkii qabay dhaawacyada halista ahna loo qaaday dhanka Turkiga.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga