Madaxweynaha Turkiga Reccep Tayyip Erdogan ayaa Cadeeyay in ay jiraan Cadaymo muujinaya in dilka suxufi Jamal Khashoggi uu ahaa mid qorsheysan, islamarkaana loo fuliyey ‘si aad u fool xun”
Erdogan Waxa uu sheegay in diyaarinta qorshaha dilka la Bilaabay 1-dii October ka hor inta aan Khashoggi la khaarajin labadii October.
Reccep Tayyip Erdogan oo khudbad u jeedinaayey baarlamanka dalkaasi, ayaa waxa uu sheegay in aanu ku qanacsaneyn Sharaxaadda Sacuudiga ee ah in xubno ka tirsan sirdoonka dalkaasi ay ka dambeeyaan dilka Khashoggi.
Madaxweyne Erdogan waxaa uu sheegay in aan lagu kalsoonaan karin baadhitaanka sacuudiga, isaga oo dalbaday in 18-ka qof ee dilka loo xidhay, lagu maxkamadeeyo magaalada Istanbul.
Madaxweynaha Turkiga ayaa sidoo kale sheegay in weli aan la aqoonsan halka uu jiro meydka Jamal Khashoggi.
Erdogan ayaa ku guuldareystay in uu magacaabo dhaxal sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salman, oo markii Horre Lagu Eedaynaayey in uu ka danbeeyay Qorsahaha dilka lagu fuliyey, isaga oo wacad ku maray in Turkigu aanu soo xidhi doonin baadhitaanka kiiska dilka Khashoggi, illaa inta laga jawaabayo su’alaaha ku gadaaman.